Guba
waxaa isweydaarsaday labiyo toban gabyaa,magacyadooduna -waa habka gabayadu
isugu xigaane-waa sida hoos ku qoran:
1. Cali-Dhuux Aadan2.
Qamaan Bulxan3. Maxamed Fiin 4. Buraale Cali Ubaxle5. Ismaaciil Mire6.
Cilmi Carab Cabdi7. Salaan Carrabey8. Ismaaciil Cigaal Bullaale9. Xaaji Khaliif
Aw-Axmed 10. Xuseen Hudle11. Maxamed Cumar Dage12. Samatar Baxnaan
Waa suuraggal in
gabayada Guba ee halkan ku daabacanay wax ka dhiman yihiin oo intaa eeyan ku
dhammayn, amain maansayahanno ka qaybqaatay la xusinnin.Labaatankakan gabay,
waxaa uruuriyey oo giraan kuduubay Gabyaa Jaamac Kediye Cilmi. Waxaa giraantaay
ku duubnaayeen gabayadu ka qoray Maxamed Ismaaciil"Bari-Bari",
1991.Silsiladda Guba, waxaa bilaabay Cali-Dhuux Aadan ooHarti, Dhulbahante
ahaa. Ceel ceelasha Doollood ka midah oo “Cammuud“ la yiraahdo ayuu hal (geel)
geeyey.Waxaa halkaa ka cabbayay niman Habar Yoonis ahaa. Sidala sheegay, hashii
baa loo waraabin waayay. Dacdii ayuuneefkii geela ahaa ku sii daayay. Intay
faruurdhabatayayay iska dhaqaaqday.Dabadeed Cali-Dhuux, isagoo Cartan, waa
hashamagaceedee,ku halqabsanaya oo la hadlaya ayuutiriyey tixahakan soo socda:
Cartaneey Cammuud
layska qaad, ceelki Reer MaganeHadday curaddadii noolyihiin, waad cabbi
lahaydeNimankii ku caawiyi jiraan, cidi ka noolayneCabdullaahi iyo Yuusuf baa,
ciidda hoos marayeBeddel baa cashiiro u xigoo, waa cuq dabadeedeRaggii calanku
saarnaan jiriyo, Caliba loo diidyeNiman baaba Caarshe u noqdiyo, Caamir oo
kala’eMarkuu Haybe sidii coomir degey, looga soo cararyeMa la cawryi Reer
Yuusuf waa, cirir Ogaadeene,Miduu caayo miduu cayriyiyo, miduu
carjaameeyoSaddexdaa calaamuu ka dhigay, cuurki Reer DalalCaqli waxaan lahayn
baad tahaye, ha i caloolyeyne,Cayn iyo Hartaad leedahaye, caraqda fuuqfuuqso!
Goorey muddo ka soo
wareegatay, wuxuu Cali-Dhuux Aadanraaciyay gabay ah: "Doqonkii Ogaadeen
ahaa, Doollo lagaqaadye". Tixdaasna, waxay furtay Silsiladdii
GabayadiiSaddexgeesoodka Ahaa ee GUBA.
Koowaad
Doqonkii Ogaadeen
ahaa, Doollo laga qaadyeLoo diid Dannood iyo hadduu, degi lahaa CiideNiman baa
dalkoodiyo xukuma, labadi daaroodeDaratoole iyo Faafan oo, wada
duraabaayaDeegaanta haradii ku taal, daaqi ma hayaaneDoox kama mareershaan
dhulkay, Deleb ku beerreyde.
Markii duraha jiilaal
kacee, doogga la idleeyoDuurka iyo dayada Hawd markay, Debec ku soo
oontoLaaskuu ku dalandoolli jirey, loogu degi waayeAlla Dawguduuddii Wardheer,
kama durduuraaneDawadeedu waa Jeerinleey, ugu dul geeraareCeelkii biyaha
diirranaa, looma dawdebo’eDixda Qarandi Deer iyo Mataan, loo dardari waayeDarar
kagama maalaan Cammuud, diiqo iyo xooreMaantana dukaammaa la dhigay, degelki
GaafooweDixda Reygareed iyo Gargaar, laysu dacareeyeDeyr baaba lagu meeriyoo,
loo dabbaaldegaye.
Wardheer aan dagaal
xumi ka dhicin, dig iyo baaruud ahDoox iyo Doh iyo Faafan waa, soo
dalbanayaaneKuna dalaaqe naagihii inay, dib uga laabmayneIiddoorku suu
damacsanaa, loo diyaafadiyeHadba dunida duul baw kacoo, diin la soo shira’eDar
Ilaahay uun baa xaggiis, looga soo dirayeWar sow sida Darwiishkii Isaaq, duub
cad uma qaadan!Makaahiilku Dooy uma kaceen, degaya HiiraaneDaacuunku meeshuu ku
layn, uma dalluumeeneDaal iyo hadhuudh kuma cuneen, Degelki HaarweyneHabar
Yoonis bay uga durkeen, degelladoodiiye,Dullinnimo inay qaayibeen, waxa
daliilkiiya;Dadba weli ma arag reer Subeer, duul ka soo qaxayeDooyiyo dabriyo
weerar iyo, ma laha duullaaneNinnaba uunka kama dawladsana, Dir iyo
DaaroodeIlaah baa dabkoodiyo nasakhay, danabbadoodiiyeDadka uguma liitaane’e
way, diriri waayeene.
Afartaa sidii deleb la
riday, maysu dabajoojey"Da’dii" aan ka qaadiyo miyaan,
"Deelka" ka habawshay
Ma daleeyey deelqaafku
waa, kaa dilaa gabayeDacwad kalena waa Reer Xirsiga, hal an dareensiiyey;Dadka
waa la wada laynayee, waa u darraydeeneDubbihii ku dhacay Bih Ina-Cali, doogta
weli haysaWaa waxay la dabandeebayaan, daqaradeediiyeWaxay dalagga beeraha la
qodan, waa dagaagnimo’eDamal Aboodi Deyr iyo Afmeer, dixida GaaroodiReerahoodu
maantay degeen, daawe lagu boobyeSidii galab dawaar loogu rogey, Deleb ma
maalaaneIna-Raabbi waa tii la dilay, waana Reer DalaleDumar kuma sagootiyin
kuwii, dahay UgaaskiiyeDan baa tiriye lama duudsiyeen, Dirirki dheeraaye.
Aniguba dubkaan uga
nixiyo, diirka oogada’eMa damqado’e kii dad ugu xigay, waa durduriyaayeIlmo
Dacarba duur bay indhaha, dubuq ka siiyeeneNimankii walaalkood durqumay, kama
dambaysiineDegdegsiiyo waa tay ciyoow, duqaq u laayeene.
Nimaanse aabbihii
danashyo dhalin, looma duurxulo’eDib baa looga yaabiyo inuu, kaaga sii
daro’eDagaalkii Kilaas ugama rayn, duulki Reer SharaceDunta boqorka nimankii
sitaye, duubi jirey shaalkaBal muu duro waxbana yaanu dilin, doorarna u
layne,Geerida Hurraha diidey bay, darajo dhaamaane!
Afartaa sidii deleb la
riday, maysu dabajoojey,“Da’dii“ aan ka qaadiyo miyaan, “Deelka“ ka
habawshay,Ma daleeyey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye,Dacwad kalena waa aniga
iyo, dan iska sheeggayga;Maansadan dad wada qoonsadaye, diradiraw
qaatay Diin run ah daliilkii sharciga, yaan ka daalacayeDembi inaanu iga
raacahayn, wax u daliilkiiya:Daahyaale geelii la helay, waa kan Dayr
dhalayeDuudweyn ma jiro Haamo iyo, dabo CadaadeedeDerrin iyo afkii Daadmareer,
kuma dareershaaneDahab waa tan iyo qaalmihii, deyrcadka ahaaye,Durmad
quruxsanleeyey ma foga, DalawadiinniiyeDambarkiisu waydiin uraa, waana
dabataane,Iyadoo dildilihii bishiyo, dacashii haaneed lehOo wada
dunuunucahayuu, idin dul joogaayeDubuxul baaba lagu sii wadaa, dararti
Baarjeexe.
Afartaa sidii deleb la
riday, maysu dabajoojey,“Da’dii“ aan ka qaadiyo miyaan, “Deelka“ ka
habawshay,Ma daleeyey deelqaafku waa, kaa dilaa gabaye,Dacwad kalena waa aniga
iyo, duun u hadalkayga;Nabsigu waa daruuraa cirkiyo, sida dabeeshaaseDersinkii
wax qaatuu la’yahay, deynki godobeedeDaa’iradu maantay waddaa, duulashii
galayeXaqa daguugmay duunyada la dhacay, dumarka ooyaaya,Naagaha ilmada
duugayee, diilalyadu haysoDaa’imo haddaydaan ahayn, dagay xaqiinniiyeDagaalna
waan jeclaa xaajo aad, dib ugu aydaane,Doqonyahay ka kaca meeshan aad, dacayda
laallaadin!
Cali-Dhuux Aadan
[Dhulbahante]
Labaad
Caliyow dabuubtaada
gabay, Daa’inkaa wadayeDabaylaha xagaagii dhaciyo, daafigaa sidayeNoo dooji
dooggiyo sidii, Dirirka CawleedeDiirkiyo laftuu xulay hadduu, hadal wax
daawayneDadkana uma sinnee reer tolkay, dacar ku nooleeye.
Anna waa ku diirsaday
Ilaah, derajo siiyooweDaaraan garbaha qoon ku laad, damaqday
DhuuxooweDibirrooti buu dhacay raggaad, dabaqadayseeneWaa gobol dillaacid iyo
ciil, dibinta ruugaayaIyo gobol runduda oo fadhiya, dagagga weeyaaneDib u
joogso waan kula dacwiyi, doodna waan celine!Dab baad ololisaa kumana gubo,
daayin abidkaayeIntaad dogob shiddaa baad taqaan, diradirayn jaaneDaaskaad
fadhido sow gubee, degelka qiiqaabi!Haddayse daacad xaajadu tahaan, lagu
dambaabaynninDambaaburada Naareed haddaan, dhinacu dooneynninWar seeddow maxaad
noogu digan, daqarku waa kiinne?Goormeyse degmadu noo miirin, dawgal baa
jira’e?Dardarsiga danaasaca la mood, dowr inaan ahayeIs dalleemintaydaa ninkii,
dagani eedaayeDubbihii ku dhacay dhinac Barwaaq, degi ad maysaaneDaadduunka
cayreed raggaa, dibadda meeraayaDocmo iyo Hartaa lagu ogaa,
dalawadoodiiyeCali-Geriga Daadhiin shalay, naga durduurteeneWaa kaa darfiyey
caanihii, Dagiyo Heemaale.
Anna waxaan dibbiray
waa dagaag, deyro soo xulayeNimay gacantu daabbulo tiqiin, deri hadduu daayoOo
yare dalleensado intii, docosan loo yeeloDamban maayo waagay xubnuhu, yare
dubaaxshaaneInaad daysid beel dagan adaan, dani ku seeteynnin,Dabcigeedba yaa
kugu yiqiin, digasho mooyaane?Hadday debecdo waw hiilisaa, doqon
walaalkeedeDiiftiyo ushay garan intaad, dayada haysaane,Dunna haddaadan ii
tarin maxaad, iigu dano sheegan?Duunyada fardood maalintaad, Deleb ku
qaadaysaySidii duul Amxaaro ah markaad, nagu dabraynaysayIntaad haatan ii
labaddiblayn, muu damqado jiirku?Daarood Ismaaciil ahaan, hilibku muu
diiro?Daabaca ninkii kugu dhuftee, daabka kuu celiyeyIyo kii “duleedshaay!“ ku
yidhi, wax isma doorshaane,Dakanadayda yaa kaa xigaad, igu danayn haatan?Aar
soo dibjiray neef hadduu, daacuftii geliyoOo kaga digsiiyoo ilkaha, dhiigga
kaga daadshoDugaaggaa yaryari sow kan cuna, duugga hadha maaha!Aday dilaye
goormuu Isaaq, Doollo iga qaaday?Maxaa libinta Daarood lahaa, Dabacayuun
siiyey?Hadday Dubuxul uga heesayaan, dacarna waan siineMa wayse haatan daab iyo
ul, kaga cabbaan dawlis?Bulsho Daalis oo dibi dhaloon, loo dambarineynninOo kii
lahaa diiday bay, sidigtu doontaayeKuwaan derisnay Dooxeer haddaan, sebenka
daadduunsho,Waxa adiga duug kaaga noqon, bayga degi waayay!Gabdhaha doonnan
dadabtaan dhisniyo, xidid dariiqayntaKuwaan dahannay diricay dhaleen, waa
dareemada’eMuslinka haygu didin yaan Iblays, dowyo kaa ridine!
Darka jabay
dullaalkiyo dhulkuu, dadabku meeraayoDeeqaa Ilaahay halkuu, xuliyey
daadkiisaWar ii daa dugaag iyo Hartay, igaga deyraane!Iiddoorse Dir weeyee
hadduu, duullan soo bixiyoDunji Habar Magaadluhu hadduu, dabarka soo
gooyoDunbuq iyo rasaastana hadduu, Debecsanow siiyo,Horta yaa la da’a wayla
yaab, dawyadaad mariye?
Ogaadeen ka daan iyo
ka daan, Doollo soo gudubyeDiinkaan akhriyey way imaan, Dooy raggii jirayeDunji
maalintaa waxaad qabtaan, waan u daahirineMa dammaniye daynkayga waa,
dabaggelaayaayeIdinkuba darkii Caynabaad, deris ku taalliine,Dagaallama rag
doorkii la laa, duubcaddii Hagare!Ama na daaya waa wada qabnaa, daawashiyo
ceebe!Caliyow da’daan ahay waqaa, looma duurxulo’eDuq gaboobey iyo wiil yar
baa, loo dedaa hadaleDiirkaan ka garan xaajadaad, dabaqa saarteeneMa dumaalo
naaguhu ninkay, nolol ku dayrshaaneDayib uma yiraahdaan jeeroo, hawli
daashado’eNin walaalki doorsaday Ilaah, derejo siin waayeDalkaad Ina-Adeerkaa
dhigtaad, weli degeysaaye.
Baadida nin baa kula
daydaya, daalna kaa badaneAan doonihayn inaad heshaa, daa’in abidkaayeDadkuna
moodi duul wada dhashaan, wax u dahsoonayneDallo ma laha Aakhiro haddii, loo
kitaab dayo’e.
Dullaal iyo mallaal
wuxuba waa, Carabta deyntoodeDibnihiinna uun baan galoo, way duddubiseene,Allay
diliye Iiddoor adaa, iiga sii darane!
Qamaan Bulxan
[Ogaadeen]
Saddexaad
Calow gugakan
gabaygaad tidhi, gocasho weyn reebyeWixii gacal ahaa uumiyaa, waa mid kala
geyneGabadh iyo walaalkeedba waa, kala geddoomeeneGardarriyo is yeelyeel mar
buu, gubey bilaadkiiyeNin garaad leh baan kugu ogaa, gaban ahaantiiyeMaantaad
gu’yaal badan jirtoo, guudku ku caddaadayBal garwaaqso warankaad gantiyo,
gedaha aad joogtid!
Guntigii wadaadkii la
eed, gebagabayntiiseGalow baa ka ciyey ceelashaad, geesi ku ahaydeBuuhoodle
geel looma horin, goorti dabadeedeGammaankii badnaa ugama fulo, labada
geesoodeGarmaaddii shubaysiyo la waa, garabyo weyntiiyeGeedaha ka baxay laga ma
cuno, godobyo dhowdhooweGod abaaday waakaa noqdiyo, guri madoobaadeWaxa
guuldarrada ugu wacnaa, geli colaadeede.
Waa gaasir Reer-Cali
wuxuu, wada gudboonaayeMa gu’ yaree see Cali tashigu, uga gulaallaaday?Guhaad
laguma falo ruux hadday, gogoshu kuu taalleGaadiid ku qaadiyo haddaad, gelin
lixaad weydoGurgur lama shiraystiyo hashii, geela ka irmaaneGuntana laga ma
jaro geed hadduu, kuu gabbaad yahaye.
Afartaa gammuuraye
sidii, leebka ma u gooyeyGobo’ kalena waa erey yar aan, godob ka faalleeyey.
Gondaggooye nimankii
dhigaad, gacal ahaydeeneCabdi Muxumud gabannuu ka tegey, goloshki dheeraayeGeyr
iyo waxay caro qabaan, garanba maysaaneAar soo gendoodsaday wuxuu, gaaro waa
diliyeGoonyaha haddii lagaga ciyo, guuldarraa dhiciye.
Geelii Ogaadeen
ninkii, goofiyaa tahayeGiddiga Reer Subeer yahay ninkii, gaaray baad
tahayeNinkii geed ku xidhay baad ahayd, galabti weyshiiyeGudaha Adari waa laga
tirshaa, gabayadaadiiye.
Gaal iyo Islaan
nabaddu waw , gogol nasteexaadeMarse haddii colaad loo guntado, Goray ma laacdeeneCid
uun baa rasaas kugu gambiyi, Giibba ma lahayne.
Ogaadeenku waa
gama’san yahay, gamasyo haw dhiibin!Godobta ha ogeysiin rag waa, garacyo
Sheyddaane!Gacalow ka joog meelahaad, gacantogaalaysay!Haddii kale aduun baw
go’iye, gabayga aashaada!
Maxamed Fiin [Habar
Yoonis]
Afraad
Nimanyahow rag geeri u
batoo, lagu gablaynaayoAnaa ganiyo anigaa gembiyey, goor kastaba joogtaOo lagu
gartaatacahayoo, gibil madoobaadayOo loo gashaday baal sidii, gaalannimo
roontaOo lagu garrami way la yaab, gole ka yeeraaye,Oo guriga wada meeriyoo,
geela laga faaniOo maanta geenyo iyo gabadh, goosan kara qaantiGabaggabadii
Daahyaale iyo, gabaygi loo jeedshaySow inuu geddiyo haatan Cali, lama
gudboonaannin!Hadalka waa gaftaye Maxamedow, kuuma soo geline!Markii farasku
kula gaabiyee, gegida kaa qaatayGam inaad tiraahdaa damcee, Cali
gabaaxaayeNaagtii gambada taabatoo, gacanta loo mayrayOo gelisey meeshii
haddana, gabaygu sow maaha?Cawl baa midgaan soo gardiyay, soo gabraar
tegayeIsagaan wax lagu gowriciyo, geerisaba haysanJeeniga gibsiiyoo middida,
qodatay gaareeyeAdiguna geddii baad tahayo, ways gunaanadiyeXaqa giigay feeraha
miyaad, yara gufaacootay?Sow magani tii gaabsataan, gabay lahayn
maaha?Geeraarka iyo faanku sow, Guba la xeer maaha?Garta qaybi oo had iyo goor,
genefka uun taagiOo gowrac kaa mudan asaad, gacal walaalaysayOo gogosha kaa
kicini waa, sida Gumbuurkeere,Guntigii la furay haatan sow, lama
garwaaxaydsan!Labadeenna gobol xaajadeer, la isku guubaabshayHaddaydaan
guddiyin oo ciyow, gunno la noo keennin,Wallee inaan tix laysugu go’o, gaagna
harin sheegin!
Qamaan Bulxan
(Ogaadeen)
Shanaad
Dhankaan ka hadlay
waakaa Qamaan, dhaafay hadalkiiyeDhex-xirka hayska gooyaan lahaa, dhuugga loo
tolayeHaddii dhaxal adoogaa la cuno, waa dhadhamisaayeWaxaan cunaha ii dhaafin
iyo, dhaashin baa jira’e.
Naagahaan dhankii loo
rogiyo, dhinacna diidayneDheddigoodshahaa lagu arkiyo, dhiigga
caadada’eHaddeeyan dhiilka caanaha lahayn, laguma dhaarteene.
Wax ka dhigan gobtii
dhawrsataan, ceeb ka dhiidhiyineNin dharbaaxo quudheed dugsaday, dhaqayadeed
maalye,Dhashaaday sugtaa xaajadaad, dhawrataa abideDhirfal buu Isaaq marin
intuu, dhaco OgaadeeneKaruur dhuumay dhaydana ka jecel, oo ay
dhamayaaneDhoobada Hargeysiyo Berbera, waa dhito u taalleDharka kama macaasheen
hadday, dhuunta jarayaaneWaa dhego la’yahay Reer Subeer, dhoohan
weligiiseDhibta gaadha waa moog yihiin, iyo dhaliishoodeAnuun baa
dhalaalinahayee, dhiirran ma hayaane.
Intaan dhalasho waa
yaab qabtaa, dhab ugu soo ooyeyDhaladuu wax iga saaray culus, dhabalna ii raacyeDhudhunna
waaba ii sheegtay adag, dhiillo i gelisiiDhawaaqayga kuma faaraxine, waa ka
dhiidhiyaye.
Waayeelka dhaylada
sitee, dhawrta ku ilaashaKuwaa dhebedda soo xiranayee, dhuuni kale haysanOo
dharabta jeexjeexan qaba, waad la dhalateeneDhafoorkaa ma yeesheen har galay,
dhogor xumaantaaseDhoomaha Isaaq raranayee, Dhaayin laga keenayDharkaa lagu
qasaashaa intay, dhereg u daadshaaneRag baa caanahaad dhami jirteen, dhiil u
hoorsadaye.
Afartaasi waa dhaabad
gabay, iyo dhextaashiise,Hadallo dhagaxyo waaweyn ka culus, waa dhug siin
jiraye,Maansada dheh uun lama yiraa, waygu soo dhacaye,Dhugaheeda layskuma
qabtee, dhibic kalaan baanay;Dhinacayga ma aan saari karo, dhuxullo
naareede,Goormaan rag baa kaa dhergaye, dhidibka kuu qaaday?Dhaawucu ninkuu ku
cusub yahay, dhiigga farahiisaOo shalayto kaa dhaansadaa, Dhuurre kula
yaalleWaakaa xeryaha looga dhigay, Dhogor IdiinleeyeDhaqaalaynna mayside
naftaad, kala dharroocdeeneLibintiinnu maantay dhowdahay, kuma dhaqaaqdaaneCar
ku dhaca haddaad dhalad tahoo, dhuubka boqor hayso!Afartaasi waa dhaabad gabay,
iyo dhextaashiise,Hadallo dhagaxyo waaweyn ka culus, waa dhug siin
jiraye,Maansada dheh uun lama yiraa, waygu soo dhacaye,Dhugaheeda layskuma
qabtee, dhibic kalaan baanay;Ugaas Magan dhawaaq kuma jiroo, dhimey wadkiisiiyeBal
dhexmariya Reer Webi inuu, dhaamo Bah Xawaadle!Cabdille Aadankii dhaadan jiray,
dhab u ogeysiiya!Uga dhoofsha Dhicis Muuse Khalaf, oo dhabta u
saara!Cawlyahanka dhaantaynayiyo, Dhugadna gaarsiiyaIsaxaaqa dhooshiisii hanay,
dhababkacna loo diidyeNimankii ku dhabannaanin jiray, dhowr ka
loogsada’eDharbaaxooyinkii soo ceshiyo, dhabarjabkaagiiyeWaataa hablaha Ciise
Dhamal, dhigaha laayeene,Kacoo dhididka rida waa intaad, dhimanba
weydaane!Dhambaal lala ma yaaciyo waraaq, sida Dhabiileede"Hoo dhagaxa
qaad iyo adeeg!", gaaladaa dhihiyeRaacdadu hadday kaa dhab tahay, Dhebi
dagaalkeeduAdoo dhididsan baa loo ridaa, dhamac rasaaseedeRaggaan dhibiyey waa
kaa dhacsaday, Dhebiyo Heemaale,Qamaan dhugo dhankaagaa tolkaa, looga soo
dhacaye!
Cali-Dhuux Aadan (Dhulbahante)
Lixaad
Dacwigii Qamaan yidhi
anaan, danabku ii sheeginMa doonayn inaan gabayo diro, amase diiqaayeMarkaanse
“daa!“ iraahdaba rag baa, dawga jiifsada’e.
Waa iga da’weyn yahay
ninkaa, dirirta oogaaya,Cali Dhuux sidaasuu damcaye, diida hadalkiisa!Haddii
aqal dab galo aan ninkii, daaha laga saarinDherigaan dalooshimo lahayn, baa
dubkii hariye,Cali Dhuux sidaasuu damcaye, diida hadalkiisa!Da’day maaha reer
nabad ahoo, diradireeyaayeHadday nimanku soo wada degeen, nabad ha loo
daayo!Ilma-Dacarka duufkiyo bakhtiga, dibad u meeraayaHurre Raabbigaan
dunidatan aan, diric u dhaafaynninMaxaa derejo simay waa afkaan, daab ku
leeyahaye?Ninkii Dubuxul geeliisu yimid, dumarku soo qaadye,Ogaadeen maxaa
doqon ka dhigay, dawggal baa jira’e?
Buraale Cali Ubaxle
[Ogaadeen]
Toddobaad
Dan u baxay Ogaadeen
hadduu, duudsi qaayibayeDirirsiiyey diidana inay, duul ka nixiyaaneAnigii
dagaallaminahayey, igu dabreeyeeneDuullaanna way soo baxsheen, sida
Daraawiishe.
Daabaca raggaa lagu
dhuftee, daabka lagu jiidayDaabaqad wajiga baw hadhiyo, diillin aan go’ine,Ma
iyagaan dadkii ahayn iyo, duuddi Nebi Aadan!Iyaguba dab iyo waa sitaan, damaq
rasaaseedeDumbuqooda liishaanka daran, daalib ma ahayneDawadiisu waxay saaran
tahay, daacad loo rido’eWaase wuxu isaga daadsan yahay, doocna garanayne.
Dowdii ha
darandoorriyeen, hana dagaajeeneDushana hawgu soo dhaamiyaan, dumarku
haantiiyeDabinkii xumaa iyo sibraar, ha isku duubteeneDugsi dhaxan leh haw
yuururaan, diilalyiyo ciileIntay dacalo waaweyn dhigaan, dalag ha beerteene.
Mar haddaanay daaqayn
Walwaal, nimanku dooggeedaOo dibinta saarayn Wardheer, loona
dacareeyayDanwadaag iyaba waannu nahay, downa wada naalle,Bal Iiddoor maxaa igu
diroon, Doollo ugu sheegan!
Cali-Dhuux Aadan
(Dhulbahante)
Siddeedaad
Hooyaale gabay
waayadeer, haabka kuma hayneIn dhoweydba waataan ka haray, himiladiisiiyeMa
hawalinnin maansooyinkii, igu habboonaayeHoorri waliba goortuu tirshaan, daayay
hadalkiise.
Hayeeshee xaluun baan
hurdada, haatuf ii yimiyeQaar baa halleeyee haddaan, “Miinka“ ka
higgaadshoHeerkaan ka maansoonayaa, loo hanweyn yahayeIga hooya waa taad
beryahan, ku holganaydeene!Hebednimadu waa waxay rag yari, kuu
hunguriyayneHaddii aad halyey wada tihiin, hanad ahoo dhiirranNinna ma
holliyeen xoolahaad, gacan ku haysaane.
Hubka iyo raggaba
adiga oo, hodan ahoo buuxaHabaar weeye Habar Yoonis aad, hiil u dayataayeHaddii
aadan hoollinayn dagaal, hebelna aad weydoHolgantoo naftaad geeridii, kala
hawooteene.
Waase lama huraan mowd
inaad, ka hor timaaddaaneHayin iyo anoo layga dhacay, halo an maalaayayIntuu
Halab karuurkeed nin kale, dhamo ma hoydeeneAnoo hilib ugaadheed ku nool, kama
hareen Xiise.
Idinkuna hablaad ugu
darteen, hadiyaddoodiiyeHayiin iyo dayiin uumiyuhu, idinku haasowyeInaad hoos u
wada foorartaan, helay khabaarkiiye.
Horweyntii la qaadiyo
raggii, haanka lagu gooyayHaadkiyo waraabuhu ragguu, ka hirqadee laystayEe
hanaqa ay wada jareen, hebelladii laayayHawo ineeyan kaa hayn inaad, wax u
halaakaysoAad hiiftay Cali Aadankii, ficil is haynwaayay,Oo aad Hartiga
eersateen, helay Qamaanoowe.
Hayeeshee waxay kaa
hayaan, wad ka helaysaayeNin hashiisii laga qaaday oo, lagu hor maalaayoOo
horin ka yari haysataa, sidan u hoomaayinOo waliba loo sii hanjabay, lana
halaakeeyay.
Hawaar dhabba nin lagu
soo dhuftoo, haylna laga jeexay"Ha’da" maanso kuuma ay furree, kaagu
waa haboweHeeryada adaan rogin Qamaan, haanta lagu saaray,Hadalba kuuma yaallee
maxaad, gabay ka hoodaamin?
Cilmi Carab Cabdi
(Dhulbahante)
Sagaalaad
Doolaabta maansada
anaa, deeqsi ku ahaayeIn dhoweydba waataan dedoo, diiraddow rogayeHadba aniga
oo daayay bay, igu danqaabaaneBal aan dayo dibnuhu waxay barteen,
dihashadiisiiye.
Sidii dirirka rooboo
bishuu, di’i lahaa joogaAma ramag diraacdii dhaloo, oon la dubayoobayOo maqasha
laga duubayoo, ololka deexaanshayAma dowri aar oo in badan, duur cidla ah
jiifayOo dibadda neef kula dhacoo, miciyihii deenshayDadow maqal damaashaadku
waa, diririgteydiiye!Dacwad waxaan ka idhi geelayaga, loo dardaarweriyey,Dacwad
kalena waa Cali hadduu, gabayga daynwaayay,Dacwad kalena waa aniga iyo, duun u
hadalkayga;Dacwad waxaan ka idhi geelayaga, loo dardaarweriyey;Iyadoo
dildilihii bishiyo, dacashi haaneed lehDoollaaba lagu sii wadaa, Dayrtan maanta
aheDibna u laabmimaysoo dhulkii, dooggu ka idlaaye.
Darka Qarandi deexdii
Cammuud, waa dar noo xidhaneDixda Reygareed iyo Gargaar, waanan dayn
karineDumbuqyaaba laga soo guriyo, dogobbo waaweyneAfarteeda deyr bay taqaan,
looga duulwado’eAnaa doonanaystaye baqaa, looga diirwarayeDawo hadday lahayd
Jeerinleey, waa dul tegayaayeDegina maayo jeeraan ku furo, degelki Gaafoowe.
Daahyaale geelii la
helay, waa diramayaayeDambarkiisa waxaan loogu lumin, amase loo daalin,Ninna
nama daneeyeen haddii, lay daleelsado’eDeeq looma siin wiilashaan, Dayrta
xoogsadayeDiishaaba laga soo rogiyo, Daakhatiyo FaafanMeeshaan ka daadigi
jiraan , dabaqna saarrayneMa na looga daray sow raggii, duuli jirey miihin?Mise
doorkanaa xoog ka dhacay, duudda Habar Yoonis?
Afartaa ma dalandeellinnine,
daw ma ku hagaajay,Ma daleeyey arartaydu waa, dahab sidiisiiye,Dacwad kalena
waa Cali hadduu, gabayga daynwaayo;Nin da’yari dambaab iyo ha galo,
diradirayntaaseDiintii Rasuulkiyo haddaad, daacadda ujeeddidOo aadan dariiqada
ka bixin, duuddi Nebi AadanOo madaxu deebtaa ku yahay, waa digniin dhab
ahe,Sidee baad dawaar ugu rogtaa, dunida geestaada?Ma dugaagga cunayaad tihiyo,
haadka daba jooga?Mise derisnimaa kaaga dhiman, hadalkan deelqaafka?Adaa Dir
iyo Daarood dhex dhigay, dab iyo baaruudeDacar gelisey reerihii ahaa, ul iyo
diirkeedeMugga haatan dirir uumiyuhu, waa is dilayaaye.
Doqon iyo Ogaadeen
haddaad, dala’ ku sheegaysoWaxaa daarahoodii kharribay, duulka Reer
GorodeDunjiga Reer Subeer oo dhan baa, duudsi loo naqaye,Adaa dalawadoodii
dhacay oo, ceeb ku daabacayeWeyl baan dabraa baad na tidhi, waana
didayaane,Nimankaad dadkii wada tustoo, daawo uga yeeshay,Waa maxay
baroordiiqdan aad, ugu danookhyeysey?Dadkaba haatan godob duug ah baad, ugu
dahsoonaydeDuhurkaaba lagu toogan laa, Dayrtan maanta aheMa daguugan tahay sow
ma ogid, deynka idin jiifa!Naftan Dawguduud lagu guree, sidatan duurkiiya,Waa
odayadoodaad disheen, ood ku digateeneIdinkaa duqyaal iyo xidhxidhay, shiikhya
daahira’eHalkii Aw-Xuseen lagu deldelay, waa dalluun qodaneDubbuhu wuxu ku
dhacay Bihini Cali, degelladoodiiyeKu daadduume Reer Carab sidaad, uga
digsiiseeneDa’roontii kacdaba waydinkii, gooyey Reer Dalale,Sidaan lagu
dareemeynnin baad, ugu damqaysaayeInaan nimanku diirdiirrannayn, waxaw
daliilkiiya;Dooyaalkii baad tahaye maa, lagu daqiiqeeyo?Guutada markuu Macallin
Doon, kula dawaafaayayAad sida wadaad soo dikriyey, doobta karinaysayRaggaad
“Qoora-dogoblow!“ lahayd, sida dameer weyd ahEe saca daloombiyay baqaha,
daadshay qalabkiisaAnnagaa ku deyranne xigtana, ugama diirtaane,Imminkana
halkii dagata waad, docadocaysaaye,Haddii awr duleedka uga dhaco, waad
duddubisaaye.
Afartaa ma
daldeelinnine, daw ma ku hagaajay,Ma daleeyey arartaydu waa, dahab
sidiisiiye,Dacwad kalena waa aniga iyo, duun u hadalkayga;Deyn kale ma sheegine
markay, diiftu kugu tiillayAdigoo dullooboo sidii, daabax lagu moodoDalkayaga
markaad timid haddii, aan ku derejeynnayOo duunyo waa fududdahee, dadab laguu
heelay,Aan gabadh daruur u eg aroos, kuugu dalaq siiyay,Uu kuu dabbaaldegay
qabiil, daabbad wada fuulayOo dun iyo shaal heensihii, laysku wada duubayOo
danabka Maadhiin yaruhu, kugu dinnaahyeeyeyOo ay durbaan kuu tumeen, dumar
wixii joogay.
Meeshaan abaal door
ahoo, debecsan eegaayayHaddaad guuto noo soo duntoo, daabcadde u dhiibtayNabsi
daalay baan kula sugiye, duugga bal an dhowro!
Ismaaciil Cigaal
Bullaale [Habar Yoonis]
Tobnaad
Dabkaad hurisay Cali
Aadanow, dogobbadaad oogtay,Dambaaburada aad ololisiyo, dirirta
guusheeda,Maandhow Daryarey noogu timid, dacawigaagiiye!Inkastoo dalkii kala
fog yahay, hadalku soo duulyeDabeelaha Xagaagii dhiciyo, dowlahaa sidayeNoo
dooji dooggiyo sidii, Dirirka Cawleede.
Kumana diirsan
maansadu hadday, dunida aafayneDuunkaaga kuma suubbanayn,
diradiraaluuye,Allaylehe dembaab lama hadlee, kulama doonayne!Dalkoo nabad ah
baad uumiyaha, belo la doontaayeDal dhan buu gubaa qaraf yaroo, duur la
geliyaayeDooxooyin idil bay xushaa, digo hulaaqdaaye.
Inkastoo diciif yahay
naflaha, ama la daadduunshoInta daamankiisu is hayaan, anafo daynwaayeDeeq iyo
markuu nabad heluu, daawo furayaaye.
Markii aan Daraawiish
jirneed, nagu duqeyneyseyNama duufsan Shiikh Maxamedkii, duubka noo
xidhayeAnnagaaba diintiyo sharciga, daalib ku ahayne.
Dammanaansho nimankaad
biddaye, doqon ku sheegeyseyCawlkii la dabay oo middida, dabaxda loo waayayOo
qoday birtii lagu dig dhabay, kuugu duurxula’e,Allaylehe dadkii kugu danniyay,
waaba kuu digaye!Afartaa ma daaldaalinee, daw ma ku hagaajay,Dadku muranyey
wiilyahow miyaan, deri-dhaclaysiiyey,Dubbahaan la dhacay sow finiin, kaga ma
duulduulin!Dacwad kalena waan odhanayaa, bal an daliigeeyo;In Qamaan ka diday
waan ognahay, diirnixii gabayeLaba dibi midkii baqanayaa, ways
dalliciyaayeDinnaahyada horaa laga gartaa, deyrka kii jebineIntuu dabada
meermeeriyuu, dadab u boodaaye.
Weligiiba dagaal kuma
xerayn, Deleb OgaadeeneDalkaa nabad ahaan jiray markuu, daaddahayn
jirayeDuqoodii horaa lagu ogaa, inu danqaataaye.
Iyadoo dildilihii
bishiyo, dacashi haaneed lehOo awrku doobbinahayaa, Deleb ku qooqaayoDaahyaale
geelii la helay, dalawadii meertayMarkii Dabafurkii laysku helay, lagu
darbaysiiye.
Daya eeyda iyo
qaalmihii, soo durdurinaayayEe doonka laga laynayiyo, dumarka
ooyaayaDar-ku-rogidda goortii horweyn, laga durduuraayoSidii duul goboo shirey
markay, wada dekeynaysoDig markay tidhaahdee fushaa, “daya!“ tidhaahdaane.
Dab rasaas ah iyagoo
sitey, dacas la jiifaaneDagaag magangelyo ah baannu nahay, daa’imaa
odhaneXaqoodii hadday dabagalaan, kuma dambaabeene.
Afartaa ma
daaldaalinee, daw ma ku hagaajay,Dadku muranyey wiilyahow miyaan,
deri-dhaclaysiiyey,Dubbahaan la dhacay sow finiin, kaga ma duulduulin!Dacwad
kalena waan odhanayaa, bal an daliigeeyo;Doqontaa intaad diri lahayd, adigu
maad duushid?Oo didisid geelaa fadhiya, Doollo dhinaciisa?Oo dumar-la-moodkii
lahaa, daacad ugu geysid?
Ismaaciil Mire Cilmi
(Dhulbahante)
Kow iyo Tobnaad
Daarood baan walaalayn
lahaa, warasadiisiiyeWardheer baan lahaa hayska dego, sida WadaadkiiyeWacad
baan u kala qaad lahaa, wadar ahaantoode.
Ciyoon baan ku weyrixi
lahaa, weris OgaadeeneHa welwelin wargeli baan lahaa, way wahsanayaaneWaxtar
baan lahaa inuu ku jiro, waxa ogeysiiye.
Iiddoor wagaashaan
lahaa, webiga jeexsiiyeNimankii siday ugu wadeen, wiiqda kaga gooyeyWaraabihii
cunayaan lahaa, ha iska waabsheene.
Wadaad shiikh ah weli
daahiriyo, ma aha WeyteeneIyagaa werdiga hayn jirey oo, Waaxid ku
ogaaye,Waaxaddii la dhacay xoolihii, wadarta loo qaadayIyo waarihii ay galeen,
wiiqda la cunsiiyeyWeerkii caddaa baan lahaa, ha iska wiifsheene.
Ceelkii Walwaaleed
hashii, wahane loo diidayWadaamaha Cammuud baan lahaa, ha ugu waabsheene.
Wasiirtoodi hore yaa
xumayd, waalidkii dhalayeWacdigayga kuma doogsan iyo, waanadaan idhiyeWahay
wahe sidaan wax u dhimay bay, wig iska siiyeene!Nacasku waa i wiiqaye Isaaq,
waanigii wadayeWaa kii waddada aan ku ridey, wagacda JiilaaleWaaxdaan ka
toosinayay bay, iga wareemeeneWaatii wadnaha aan u galay, sida WadaadkiiyeOo
waalid xoortaan ogaa, wiish la caaridaye.
Cali Dhuux Aadan
(Dhulbahante)
Labiyo Tobnaad
Ogaadeen hadhuudhkiyo
sidii, hilibka loo boobyeInkastuu hundaha iyo u dego, webiga hoostiisaGeeluu
habeenka u lahaa, looga hadhiwaaye.
Nin hamraday
haldoorkiisu waa, lagu hamoodaayeHilqadliyo iyaba waa sitaan, halawle
Maadhiine,Hadday kaga haq siiyaan rasaas, lagama haageene.
Nimankaan haraadkiyo
aqoon, Hawdka mariddiisaKolay Habar Jecliyo Ciise tahay, waw handanayaaneNin
waliba haruub buu toshiyo, haamo gooniya’e,Haweenkuna hadday doonayaan, inay
hidiidaane.
Cali Dhuux Aadan
(Dhulbahante)
Saddex iyo Tobnaad
Haadaaqsi gabay waayo
dheer, haanso ma lahayneHiirtaanyadiisaan ku nacay,
hibashadiisiiyeHawaalawarran mooyee si kale, wawga haayirayeGoortaan hammigi
gaabsadaa, layla hiigsadaye.
Marka nin igu haabsado
anoo, heli jawaabtiisaDhaaxaan mid hanaqaad is biday, soo hoggaan barayeTixdaan
hiddiyo haaneedsigaan, hab ugu laayaayeHal-abuurka layguma higsado, soo horraan
baxaye.
Hooyaalintaan kaga
badshaa, haybad iyo luuqeHaasaasahaa laga gartaa, hagar la’aaneede,Marse
haddaan hullaabta iska rogo, soo hankaabsadaye,Aan hawadiyo hoosada Burciyo,
Herer ha geeyeene.
Kuma hiilo hoorriga
fulaa, la handabeeyaayeAnse waxaan hagaag uga tirshaa, heel la ii wacayeInaan
oday hangaafa ah noqdiyo, hayraf la i moodye,Hig ma siiyey hawraarta way, kala
haleeyaane,Heeraarta maw dhigay intaan, heesna daba joojayMaansaba hog bay
leedahaye, meel ma ku hagaajay.
Afartaa “Ha’da“ intaan
ka deyey, hilin ma qaadsiiyey,Caawana hiyiba waa hiyiye, hadal kalaan
baanay;Halaq gudaya waw halis nimuu, boqon haleelaayeWaabaayo lama hiinsan
karo, huurtay oo kariyeWiyil lama hunjaaliyo adoon, hootadow sidaneLaga haarri
hoorriga libaax, soo hamaansadayeRag uun baa maroodiga hunduda, haamahaw
sida’eHayinnimo markii lagu arkay, hilayga saareene.
Hoobaaq mid waw ridi
jiriyo, heego iyo roobeBaddoo huguntay hoorriga sabaha, lagu halaagmaayo,Bal
maan hakiyo hir uu laacay baan, ku hafin doonaaye!Calow laguma helo geel
sidaad, ku handanaysaaneQabiilki Hindi ihi maalin buu, ka hinjiyaan duuleIdin
ka hoostay meel uun haddaad, holin lahaydeene.
Haruub daatay idinkaa
ka qaday, habaqlihiisiiyeDabaq haadshihii laga hirqaday, ways hondo ogeyneWaa
tii lagaa hirayy adoo, qaba hamuuntiiyeHuwan marag ah waatay ahayd, hadhaci
waabnaaye,Hadiyad miyaad u bixiseen naftaad, kala hawooteene?Nin sagaaro
heenseynayoo, haaban kari waayayIsagaan hunguri waa shiddee, hed uga
yaabaynninHaawaydu kama maaranteen, heeshigii dhalayeHaleelada ma daayeen nin
cunay, hilib ugaadheede.
Haaraanka iyo faanka
ways, la hiddaraacdeeneKun haddaad helaysiyo barbaar, halabsatoo fuushaQoluun
baad u heensayn lahayd, hawl yaraan subaxe.
Heegaale kama
qayliseen, holanka Jiilaale,Goortaan hadhkaba kaa eryaad, Hawd u
cararteeneWaakaa hubkii sida raggii, wada hareednaaye.
Habarwaana waakaa
hengelan, labadi haamoodeShirshooruhuna hoy ma leh kuwaad, hilib
wadaagtaaneWaakaa hayaankii ku dhacay, Hoobiyiyo xeebe.
Ararsame ma haybsado
Nugaal, hoorashada ceeleHannas iyo harraad kulul adoo, habaqle soo
guurayCaynabo haruub kama dartaan, hogo kaliileedeKa huleele Hagar Aadankii,
hooballayn jirayeAduun baa hayaayda u guntane, heeryo lagu saarye!Afartaa
"Ha’da" intaan ka deyey, hirar ma qaadsiiyey,Caawana hiyiba waa
hiyiye, hadal kalaan baanay;Habar Yoonis waataa hantiday, haradi
CiideedeImminkay Hundiyo reer fureen, haradi Ceel FuudeIn Hutuuti khaylida la dhigay,
Himidhna loo geeyeKu hungow colkay humin jireen, Caliyo Haaruune.
Waxa Ammaadin webigaw
hirdiyey, harabku waa khoofeHuurkii Shabeelluu galoo, hure
bannaankiiyeHoobhoobsigii lagu idlee, horinti JeeraareNimankii hawada weyn
lahaa, haatan lagu leefye.
Haaruufka Dalal bawga
dhiman, hegerbi DaaroodeHeydaaro cadow looma tudho, heermay boqontiiyeMaantana
hablaha loo dhisay bay, la hamranaayaane.
Ma hambayne dunidii
hantiyay, tan iyo HiiraaneHaadaa qabiilnimo Isaaq, hibo Ilaah siiyeAniguna
halkaad degi jirtaan, ka hawisaayaayeHadba waxa ku soo gocan sidaan, kuu
harraatiyaye.
Hebednimada qaarkeed
aday, kuu hed noqotaaye,Waataad haween nagu xustaye, haad ma ku
cunsiiyey!Dabadeedna hoog iyo hungiyo, ciil ma la huleeshey!Tolkaa baa horweyn
ku ahaa, haanta loo culayeWaakaa hareertaada Bari, looga hoy dhigayeWax
hortiina lagu maalayaa, kii Hagoogana’e.
Humbannida Ogaadeen
intaad, soo hirgelinaysoHabqankii firdhaday Gorod Xirsaa, caydh
hadaadumayeIyagaa hiraabtiyo kallaha, hiirta waabberiyeHaddaad ficil hinaasiday
asaad, hiilin kari weydey,Ma afkaad ku hawl bixi cidlaad, ka
hanjabaysaaye?Afartaa "Ha’da" intaan ka deyey, hirar ma
qaadsiiyey,Caawana hiyiba waa hiyiye, hadal kalaan baanay;Hiinbaarsigii uma
ekeyn, Habar MajeerteeneInkastoo habkay gobi lahayd, haddiyad loo
siiyey"Hubso!" dhaha Hartigu waa ogyahay, haarihii Muduge.
Hiinraaca waa lagu
yaqaan, hiihda doqoneedeBal inuu hanfade waalan yahay, hadi la’aantiisa,Hadmuu
ku hirtay Cali Yuusufkuu, humay colaaddiisa?Ninna haybta kuma raaci karo, hooyo
aan dhalineHogoggolise cadawgaad dagaal, u hansanayseeneImminkaad la wada
huududaan, hoh iyo waydiiye!Habaarkii la hele Reer Taleex, hiilki loo qabayeKu
halligante hebel toogadaad, dad u heshiiseeneWaataa shisheeyuhu hantiyey,
ma-hudhadiiniiye.
Nabsaa ku haya hagardaamo
gacal, hadimadeediiye,Inkastuu higgaad qabo haddaan, anigu soo haabtoWaxaw
halis ah badaw hayjad galay, inu habaabaaye.
Xaajada badh baa la
huwiyaa, huga la saaraayeHaasaawe uma eko’e wuu, hadadafaayaayeHullaxumada
uunkoo hurduu, col u horseedaaye.
Hoosiisku waa qaadi
jiray, belo hugmaysaayeWaa kaa hillaacii u baxay, haatufka ahaayeKol uun buu
hilowluhu tumay, heello iyo jiibe.
Dadka kale tashiga waa
hojaa, kay hadhaw noqoneWaxaanu hubsan Reer Cali-Gerow, haa dhowaan jirayeWaa
waxa Wadaadkii ku hoday, Habar SaleebaaneIyagaa hoggaanka u ahaa, hororki
waagiiye.
Halaakada markaad
sheegatay, holakhadeeyaaneWaataad Bah Geri hoobideen, hanaddadoodiiyeKuwii
boqorka heenseenayee, haafiyaad tahayeHiirtaad baddeen baa khalqigu, hiifayaa
weliyeMaantana hannaankaad waddaan, waa halkii abide.
Dabkaad hurin habeen
iyo dharaar, holaca aad oogiHalla kuma gureyside dadkaad, ku hawiraysaayeAduun
baa hor Eebbiyo la tegi, holaci NaareedeIska hadhaye Aakhirana waa, lama
huraankiiye.
Salaan Carrabay [Habar
Jeclo]
Afar iyo Tobnaad
Laaqsi gabay Salaanow
adaan, layli ku ahaannin,Aan laaqin mooyee murtida, laaxin ka idleynninOo weli
la liicliicayaad, rag isku laashaayeLur baad kororsataa iyo inaad, dacarta
leeftaaye.
Adigoo aan laaqin u
ahayn, kaygu waa lacageWaa laba-khasaar inaan murtida, kuu lisaa
adiye,Hayeeshee sidii wax iga lumay, an ugu luuqeeyo.
Leyliga lixaad lihi
haween waa, luggoyn jirayeHaddii aan raggii loodinayn, dumar ma
liicshaaneLeeleesho gaaladu haddaanay, kugu lammaanaanninAdba ilama aad
loollanteen, oo Lillaahiya’eLibna iga Wallaad haysateen, Ledana maasheene.
Jar inaad ka
laallaadid oo, lulato mooyaaneLugba meel bannaan ma aad dhigteen, waana loo
marageLadnaantuba waxay kuu ahayd, laba dharaaroodeGob liciifta waa la arki
jiray, gunise waa liideLayaab ma leh hadduu niman waqtigu, yarehe laadaaye.
Inkastoo la jaro geed
haddaan, xididka loo siibinGoortuu biyaha laasimo buu, laamo bixiyaaye,Lugi
faras ma gaadhiyo rakuub, tiirshey luquntiiyeLaacii ka baxa meel fog waa, lagu
hayaamaaye,Haddii aanu kaa lumin caqligu, waad i laab garane.
Awal baan laguug badan
ahaa, oo is wada leege,Haddii anigu aan liito oo, yarehe laadlaadoMeeshan iyo
Luuq baa tolkay, ladani yaallaaye.
Liisaanka kaa yimid
hadday, laydhu kor u qaaddoAy laliso wuxuu gaarayaa, qoon libaaxyo aheMar
haddii Suldaankii labaad, soo lallabo weerarSidii laxam baruur iyo hilbaha, loo
karshaad noqone,Adaan lumin mar keliya baan sidii, aarka kuu liqiye.
Cilmi Carab Cabdi
(Dhulbahante)
Shan iyo Tobnaad
Aarkuba haddii wiilal
didi, laysu dabo joojoMarka hore siduu deyrka jebin, ways dalliciyaayeDabadeed
ninkuu dili naftay, kala dardaarmaane.
Markuu duubiweynow
indhaha, dibadda soo joojoUu doorka laayoo ilkaha, darib u haanfiiro,Bal dayaay
ninkii dalash ahaa, sooma daakhilo’e!Laba dibi dinnaahyayn ka siman, jeerey
diriraane,Daafaha intay kala jiraan, wax isma doorshaane,Doc-ka-dhugadka
daymada dambaa, mid is dalleenshaaye.
Haddii Daawad deyr loo
dhigoo, baarqab lagu daayoUu dabar la soo dhaco midkay, kebaddu diifaysay,Bal
dayaay markuu doobta rido, waa durduriyaaye!
Orgi door ah oo naag
dir badan, ari ku sii deysay,Hadduu qabatan galo oo riyaha, qaylo kaga
daadsho,Bal dayaay markuu geeska daro, waa durduriyaane!
Afartaasi waa gabayga
dedan, dadabdhiggiisiiye;Warsangeliga caro daalisee, dibinta ruugaaya,Dirir
hadduu maagana arlada, dubuq ka siinaaya,Bal dayaay dad buu ii xigaa, waana
darafteeye!
Suldaan duub leh
daaraha khatiman, badaha duunkoodaHawiyaha dabkiisii sitee, dooni amarkiisa,Bal
dayaay dad buu ii xiga, waana darafteeye!
Mareexaan haddaan wiil
u diro, laysu soo durugyeOgaadeen dal dheer iyo wuxuu, webiga daanshoodoHadduu
dirir xigaalkii ogyahay, igama daaleene.
Damta iyo dinnaagada
horuu, kaa dul dhacayaayeAllaylehe inaan deynahayn, duunka kaa haraye,Haddii
dalandal kaa fiigo waa, dooxanahayaaye.
Intaasoo isku dawladi
anooy, dunida ii joogtoMarkaan Dabacayuunow arlada, nabad ku
daaqsiiyay,Allaylehe inuu daawo furo, waa gun dalabkeede!
Xaaji Khaliif Aw-Axmed
(Dhulbahante)
Lix iyo Tobnaad
Ragga Cayn u kacayow
war uun, Cali ha loo geeyo;Calaankii la guubaabin jiray, ciiradiis bogay
dheh!Cidda Arab ah iyo Ciidagale, cuurka Habar Yoonis,Awalkaa ciriiriga u jira,
ceelka MadarweyneCabdi Bariga, Guuleed Suldaan, coodki laga qaad dheh!Cadale oo
dhan Ciid iyo intaa, Ceelo uga taallo,Isaxaaqa kebed ciirayoo, Caliyo Haaruun
ah,Cabdulliyo Makaahiil, Bah-Geri, callan Mareexaan ah,Hartigaa cadceed idil
degoo, curadka Daarood ah,Cishihii Bah Deyraa u tegi, sidigta Coomaad
dheh!Afartaa cadceedoodba waa, laga cataabaayeHaddii caaddilnimo loo warrami,
ciirshe dunidiiye.
Waatay cibraan iyo
noqdeen, ciidan xoog badane,Waatay carruurtiyo habluhu, la ciddijiideene,Waatay
caddeystii gobtii, calaf ka yeesheene,Waatii biyaha ceelka iyo, cawska loo
miyayeNimaan magan cirbaha loo fadhiyin, cayris baa dilaye.
Haddaadse ciil ka bixi
Xaajigii, kama carootaaneCiyaar sow shalay looma dilin, curaddadiinnii
dheh!Calal miyey ka bixiyeen kuwii, Ina-Camey toogtey?
Xuseen Hudle
(Ogaadeen)
Toddobiyo Tobnaad
Waayadaanba gabaygii
dacmiyey, dahabku saarraayeXaluun baa dabeeshiyo Insigu, wax igu
daareeneAbtirsiinyo waa dacar jinnoo, waan damqanayaaye.
Dalkii nimanka tegayow
farriin, dowga qabadsiiya!Dadka kale ha joogee warkaa, Cali
dareensiiya!Deelqaafku waa ba’anyahaye, daacad ugu sheega!Doqonkii la guubaabin
jiray, dib u guhaadow dheh!Ogaadeen Dannood iyo Digiyo, durugsay ceelkii
dheh!Iiddoor dallaalnimo ka waa, Doollo iyo Ciid dheh!Daratoole iyo Faafan buu,
daakhilkii yahay dheh!Deegaanta Iligeedna waa, degel Makaahiil dheh!Deris
nimaan ku jooginnin ma cuno, daaqi Xodayood dheh!Daahyaale loo aar colkaad,
nagu damqayseen dheh!Dagaaggoodu waa tuu tubnaa, daarihii Herer dheh!Haddaan
gaalku noo dilin Isaaq, Deleb ma maaleen dheh!Majeerteenna dirirtii dhoweyd,
duni u sii reeb dheh!Daandaansigii Reer Islaan, nacab u daadduun dheh!Nin
dakano ka haysoo arkaa, shalay ma daayeen dheh!Daaroodka kale waa hayaa, ficil
dagaalkiis dheh!Dacalkii Garaad Faarax baa, daad ka soo galay dheh!Dammani iyo
baqdini waa mid ay, dir u lahaayeen dheh!Darxumoode nimankii fadhiyay, dadab
Nugaaleed dheh!Dulligaad Dhulbahantow qabtaan, Dooyna laga sheeg dheh!Halkii
Xaajigii lagu deldeley, kama dambaysaan dheh!Sidii xoon laxdiisii duntee, ugu
dul meertaan dheh!Arladuu dangiigga u ahaa, lagu dabeeshow dheh!Isagu Aakhiruu
degey Ilaah, deeqi haw furo dheh!Ma xilaha dumaashow haree, dacari haysaa
dheh!Agoomaha ilmada duugayiyo, dumarka ooyaaya,Doolaabta naagaha xirtiyo,
duubcad iyo weerka.
Kuma diilalyoodaan
kuway, dir u wadaageen dheh!Dabka iyo magliga waa sitaan, la isku dooxaayeMa
dad yara’e Eebbow xukmiyey, inay dulloobaane.
Hadday faro wax
daaweynayaan, duud dhan baa hariyeDigta kama jallaadeen hadday, dirir ku
quustaaneDulligay ku raalliga noqdeen, lalama doonayn dheh!Ku dikade dilkii
Ina-Camey, Daa’im baa jira’e.
Damqan maayo Reer
Faarixii, damaca waallaa dheh!Axmed Cigena duugow haddaan, lagu dambaabayn
dheh!Ararsame dagaal kuma jiroo, daacadwaa noqoy dheh!Cali-Gerina waayadaan ka
dawr, dil iyo laystaan dheh!Allow dayey nimaan diin lahayn, oo dariiqo ahe.
Deyntoodu Habar Yoonis
waa, lagama doontaan dheh!Duurseexadkii Muusayaal, waa ku duudsamay dheh!Niman
aar ku deeqiyo qabiil, dagani waa muusheOdayaal mushaar loo diriyo, khayrki baa
dihine,Dab nin keliya oo shida miyaa, duulka laga waayay?
Maxamed Cumar Dage
(Ogaadeen)(Oo dhashay waayadii gabayadii Guba ay bilaabmeen)
Siddeed iyo Tobnaad
Ha’da maanso hooyaale
gabay, halalka geeraarkaIn dhoweyd Habbane Faaraxow, hab uma luuqayne,Huqda wax
igu reebaan arkayo, waan hanganayaayeHalaaggii ku dhacay Reer Barwaaq, holaci
loo geysteyHaaraankii Cali Aadankii, nagu hifaateeyey,Kuwa hilinka Bari
qaadayow, hal iga gaarsiiya!Raggaad hurisay hiihdii ma dayn, haatan ka horrow
dheh!Isaaq waxaan la daba heetinnaa, heenso godobeed dheh!Anigoo hamuun qaba
waxaan, halawda dhawrtaaba,La hubsaday hoggaankii nabsigu, hiil u soo waday
dheh!Ogaadeen xaqii laga hayiyo, saami buu helay dheh!Hurre wuxuu gambiyey hayb
dhan aan, hali u soofayn dheh!Togga huran hundaha Ceeliseed, harada
GaaroodiHaaruun Maxaaddaad halkuu, Halab ku beeraayay,Hogga Dubuxul Hoosada
bankiyo, Hallale meeshiis dheh!Heeshiga Wardheer iyo Dannood, Harafsan guudkeed
dheh!Hiyigii ku beenow intay, ugu hawoodeen dheh!Gabaggabo kob aan lagu
hantiyin, heelka lagawaa dheh!Hootada waxaa lagu hanfaday, dhagixi Haarweyn
dheh!Kuwii dalagga lagu hiifayaa, Heenyo saanyaday dheh!Waatay Berbera
haybsadeen, habaqlahoodii dheh!Idinkaa dalkiinnii u huray, Habar Xabuusheed
dheh!Hambarraacin mooyee horraad, uga hagaagteen dheh!Garaad Faarax goortay
hogsheen, haatan ma ahayne.
Hananweyde ceelkii
Badweyn, haradi Ceel DhaabeKa hulleeshe heelkii dhexiyo, haatan Caynabo
dheh!Nimaan Habar Jecliyo Muusayaal, ugu hagaagaynninInuu dhagaxa hoos uga
degaa, haniyo weeyaane.
Nimankii Nugaalba
hantiyaye, horinta loo waayay,Iyagaan u hawl gelin kuwii, habacsadee
laastay,Maantay halyeygii dileen, Hagar u noolaa dheh!Hab wanaagsanow
Ina-Camey, halanqihii mootay,Haad iyo waraabaa habqaday, halabki dheeraa
dheh!Waxaa haanka loo jaray inaan, hali u diideyn dheh!Dadku kala hannaan
quruxsan oo, haybad kala roone,Haldhaa-kacay-la-moodyow markuu, hab u
taxaashaayo!Haashaashka laafyaha markuu, hagac ka siinaayo,Hanqalkiyo
hareedkiyo gadhkiyo, qalabka heemaalka,Iyo horin-ka-roonow ninkaa, qiimo lagu
haystay!"Haq!" waxaan iraahdaa markay, igu hanqaaraane.
Hab hadday martidu soo
tiraa, heelka gurigiisa,Hilbo loo qalyaa iyo xumbada, Halab la siiyaabaAnfacada
haddii laga hambado, huri ogaantiisa.
Harka geedka fagaaraha
markii, la hindisoonaayoNin xun baa wax habayaaqiyoo, haatiyoo dila’eArrinkii qabiilku
u hugmaan, heli ogaantiisaHindisaha ka doodka ah markii, la
hanjaboonaayoMeeshii sarbeeb lagu hayaan, had iyo qoob joogin,Majliskuu ka
haasaawi jiray, hadal macaankiisa.
Halaakada colaadeed
markii, la isku hiifaayo"Hayaay!" iyo "hayaay!" maalintii,
la isku haaraamo!Fule baa habaarane naftii, hibada loo yeelay.
Nin xigaalkii soo
haybiyay, gacalki hoomaayay,Heensaha gammaan lagu heliyo, hal iyo awrkeed
dheh!Bakhayl lagama haagee ninkii, hagar la’aantiis dheh!Intaasuu halyeygii
lahaa, hadiba maayaaneAnuun baw hilloobaye tolkii, uma hadaaqaaneHandan maayo
Hagar Aadanoo, waa hundhurayaaye,Allaylehe halaag baa ku dhacay,
hebelladoodiiye!Shirshooruhuba waa habacsan yahay, Khaalid HabarwaayeIs
hoogaamin mooyee arrimi, waa ka huruddaayeHaasaasahoodaan ka garan, inay
hungoobeneInay aayahoodii helaan, waa ka habartoode,Waa laysku huguguulayaa,
haybta guudnimo’e.
Hilbaa lagu hirtaa
maalintay, hedi timaaddaaye,Hambaduu ka tegay Xaaji Cumar, hogoshyo weeyaaneMa
xillaan harraad kulul geleyn, huumi dirireedeCaydiid nimuu waran la helo, lagu
hankaageeyeBah Ugaadh hillow kuma jiriyo, nimay haleelaaneHiyigiisu Reer
Maxamed waa, geel hawadintiise,Hadhow bay nimaan horor ahayn, hebel
yiraahdaane.
Hafri maayo oo
Ina-Sii-Arag, habas ka liitee’eHalo raacid mooyee si kale, looma
haybsado’eHankii Cali Durraan lagu ogaa, hadalki beenowyeWuxuu Ina-Baxnaan
haybsadaa, malaha Hiiraane,Hadduu haybad leeyahay arlada, wuu ka
haayirayeAllaylehe habkii gobi lahayd, hure wanaagiiye.
Illeyn horin dhan lama
goobo oo, gabey halkoodiiye,Haadaa qabiil niman ah aan, habar wax yeeleynninOo
hanaddadoodii la jaray, hiil u geliwaayay,Ogoobeey haween iyo carruur, ma hawo
dhaamaane!Hartay oga dhasheen ficil rag waa, kala hagaagaayeWaxay hilib
wadaagaanna waa, higilka DaaroodeHanti ay gaar ugaga qaanbaxaan, heli ma
waayeeneWaxay la hamradaan wayla yaab, hiil Allaa jira’e!Ragse godobti waa
haybin jiray, heeray gaadhaba’eHaddaad aayihiinnii heshaan, haaddu kala
weyneHaramcad iyo weer iyo libaax, kala hagaag rooneBahdii nimey ku heedhaa
qabiil, laga hawaystaaye,Cawad Shire haddaan lala helayn, holaca baaruudda,Ama
aan Maxamed lagu haanka jarin, haalig la afeeyey,Heegaduu fadhiyay Muruqliqaan,
heermi laga yeelin,Faarax-Suusle aan lala hormarin, gumuc haliilaaya,Ama aan
Jaamac hilibkiisa weyn, haadda la cunsiinnin.
Haddaydaan raggaa
hidin karayn, Haabin laga eegto,Ku hungowde Habar Yoonis aad, Hawd ka
dayataane,Kuwa suuqa haashaynayiyo, hebello raadgooba!Halkii kiinna lagu haanka
jaray, dhiig ku hagac siiya!Nafta hura iyadoo heedhey bay, hibasho reebtaaye!Haddii
kale huluulaha ku jira, habi la’aantiinna!
Maxamed Cumar Dage
(Ogaadeen)
Sagaal iyo Tobnaad
Gun baan ahay gambo
cad baan xidhnahay, iyo gadh naagoodeGashaantida sideedoo kalaan, guur u
sugayaaye,Anigiyo hablaha loo galmoon, waa gudboonnahaye,Jeeraan gamboolka iska
rogo, guudka iga saaran,Ogaadeenka noo soo gabyow, waa gar xaajaduye!
Cali-Dhuux Aadan
(Dhulbahante)
Labaatanaad
Xasan iyo anoo sida
Xuseen, la i xambaaraayoIyo haatan xaaddii gadhkoo, xayga ka caddaatayXabbad
iyo dil bay noo ahayd, Reer Xirsi CismaaneXashiishka iyo laba Muuse way, ku
xadfanaayeeneXubin keliya Hagar Aadan baa, iila xoog badane,Intaasay xumaan iyo
wanaag, la xarbiyaayeene.
Xaqna nalama bixin
nimankii ay, na xejinaayeeneXarakada Carraaliyo Wacays, nama ay
xaaleyneCali-Gerina waa na xistiyaa, tan iyo xaataaye.
Nimankii xafiiskii
Berbera, xawda nagu gooyeyEe Xaajigii diley dadkaan, kala xabaal seeginEe xayda
xagarkaa geshee, kuna xalaaleeyeyMar haddii xaniinyaha la jaray, waa xamdi
IlaaheInay guuto noo soo xugaan, waw xilgi la’aaneXaggoodaan u jeedaye nabsay,
ku xarragoodeene.
Weerkuba wuxuu xilo
galoo, xeeda ka hayaabaXanuunka iyo gaajada wuxuu, la xabbisnaadaabaXoolaha wax
laga ooto oo, laga xareestaabaMarkay xayni soo goosatuu, ugu xasuuqaayeMana
xishoodo jeerey ilkuhu, xanaf sarreeyaaneMarkaasuu calooshii xidhneyd, xalus ku
yeeshaaye.
Anna waxaan la xoodnaa
shalay, iga xayuubsheeneHadba waxaan la xarakaadayaa, waa xogtaan helayeWaakaa
jirkaygii xugnaa, soo xankaakubayeXoonkii shinnida doonayaye, xoonbax
oranaayeyAan xabagbarshiyo awlallada, cidi la xaalaynnin,Xawliga durduradaan ka
biqi, xeeb inaan tago’eXaaladdooda niman baa qarshoo, xani ka
raacdaaye,Xuurkiyo waraabaha miyaa, xalay ducaynaayay!
Samatar Baxnaan
(Dhulbahante)
No comments:
Post a Comment